Puntland: Saameynta xilka qaadista Dhoobo?

Arbacadii dagaal ka dhacay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland ee ku yaalla Magaalada Garoowe ayaa bilow u aheyd dib u dhac khalkhal amni oo ka dhaca Puntland. Waxa ku dhintay ilaa 5 qof, isla goobtii dhiig ku daadatayna xildhibaano ilaa $1.3 milyuun oo lacag laaluush ah soo qaatay ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii Barlamaanka.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntlland waxaa weerarkaasi soo qaaday ciidamo taabacsan Xukuumadda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse (Gacamey).
“Waxaa weerartay xukuumadda, waxayna ahaayeen ciidankii dowladda, waxaana hoggaaminayey Muxyadiin Gacamey, taliyaha ciidanka guudna waa Madaxweynaha, ma jirto waxaan Madaxweynuhu ogeyn cid fulin karta,” ayuu sheegay gudoomiyaha.
waxa xil ka qaadistiisa u codeysay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamuseen. Waxa lagu sababeeyay khilaaf in muddo ah kala dhaxeeyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waxa uu sheegay in aysan “sharci aheyn” codkii Khamiista Baarlamaanka ee xilka looga xayuubiyay.
“Waxaanu leenahay nidaam iyo hannaan, waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. Haddaanu labadaa midna waafaqsaneyn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo Daareed.
Culamada ayaa iyaguna aad u dhaliilay wixii ka dhacay wadanka habeenkii Arabacada iyo maaliinkii Khamiista. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka tirsan Culumada Soomaaliyeed oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), wuxuu sheegay in lagu deg degay xilka qaadistaasi, wuxuuna yiri:
“Deg deg wuxuu ku jiray dhaawaciyoo yaallo, dhimashadii oo taal, dhimashadii ka timid waan ka tacsiyadeyneynaa, bal in la aaso sooma aheyn, meydka in aan aasno, oon wada hadlno, wa bacdeyn hadii la ridayo ninkaa Ra’iisul Baarlamaanka, dowladda aynan la soconeyn ay markaa galaan”.
Sidoo kale waxa jiray banana baxyo looga soo horjeedo xil ka qaadista. Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa laga mudahaarady. Waxana la diiday xil ka qaadista Puntland.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland waxay kaga dhigan tahay inuu Maamulka Puntland galay xaalad siyaasadeed oo aan la filayn. Gudoomiyaha ayaa kulana gaargaar ah la leh dadka deeganada Puntland. Lamana oga tallaabada uu qaadayo oo xigta. Barlamaankana waxaa la filaya in ay doortaan hogaan cusub 14-ka bishan.