Eden Hazard oo ka hadlay Kulanka adag ee dhexmari doona Kooxaha Man City iyo Chelsea

Ciyaaryahanka Garabka kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa aragtidiisa ka dhiibtay kulanka adag ee toddobaadka soo socda dhexmari doona kooxdiisii hore ee Chelsea iyo kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League-ga ee Manchester City.
Kulankan oo ah mid Sabtida soo socota ka qabsoomi doona garoonka ay ku ciyaarto kooxda Manchester City ee Etihad Stadium, ayey labada kooxood oo ay haatan Chelsea dhibco sarreyso isku fara saari doonaan.
Arrinta argagaxa kusii ridi karta kooxda da’yarta u badan ee tababare Frank Lampard ayaa ah in markii ugu dambeysay ee ay halkaas booqdeen nus darsin goolal ah oo bilaa jawaab ah (6-0) lagaga soo guuleystay.
Haatan Hazard oo wareysi siiyay Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisii hore ee Chelsea ay halkaas guul kusoo gaadhi karto, si ka duwan qaabkii looga guuleystay kooxdii uu ka tirsanaa xilli ciyaareedkii hore.
Eden oo Sky u warramaya aragtidiisa kulankana dhiibanaya ayaa yidhi “Dabcan way garaaci karaan Man City, Ma noqoneyso mid sahlan, Way adag tahay in halkaas lagu ciyaaro markii ugu dambeysay ee aanu halkaas ku ciyaarnayna waxaanu ku guuldarreysanay 6-0”.
“Sidaa darteed aniga ahaan iyo Chelsea ahaanba waa xusuuso xun laakiin waxaan filayaa xilli ciyaareedkan iyagu dhab ahaantii waa kuwo wanaagsan, Dhab ahaantii waa kuwo da’yar laakiin wanaagsan, Sidaas darteed maxaa diidaya in ay halkaas tagaan oo ay kulanka guuleystaan?”. ayuu yiri Eden Hazard.