Halyeeyga kubadda cagta ee xulka Cameroon Samuel Eto’o oo Jaamacadda Harvard ku biiray.

Halyeeyga kubada cagta ee reer Cameroon Samuel Eto’o ayaa ku biiraya dugsiga caanka ah ee Harvard Business School bilowga sanadka soo socda.
Kadib markii uu ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay Xirfadda Kubadda Cagta bishii Sebtember ee sanadkaan, 38 jirkan afarta jeer ku guuleystay Laacibka Sannadka ee Afrika ayaa indhaha ku haya inuu dib ugu laabto qaaradda Afrika, isla markaana gacan ka geysto isbedelkiisa isagoo daraasad ku sameynaya. Sida laga soo xigtay BBC Sport, Samuel Eto’o wuxuu deganaan doonaa magaalada Boston muddo sannad ah, wuxuuna sugayaa xirfadiisa cusub.
Isaga oo ka hadlaya go’aankiisa waxbarasho, Samuel Eto’o wuxuu yidhi, “Waxaan rabaa in aan caawiyo oo aan wax ku kordhiyo kaalinteyda wax ku oolka ah ee isbeddelada qaaraddayada. Markaad tahay ciyaartoy waxaad dadka siisaa lacag si ay u daryeelaan meheraddaada iyo waxyaabaha guud ahaan. ” Wuxuu intaas raaciyay, “Laakiin markay kugu habboon tahay inaad dadka maamusho, oo aad rabto inaad horumariso, waxaad u baahan tahay inaad barato xirfado cusub.”
Eto’o wuxuu muujinayaa shaqadiisa qaaliga ah ee kubada cagta, taasoo soo jirtay muddo labaatan sano ah, wuxuu kusoo bilawday Real Madrid sanadkii 1996-kii markii uu ahaa 16 jir. Barcelona, ayaa u dhaqaaqday isaga oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee la siiyo abaalmarinta kabta dahabka ah ee La Liga 2006-dii ka dib markii uu dhaliyay 26 gool 34 kulan uu saftay. Kadib waxaa xigtay u dhaqaaqistiisa kooxda Inter Milan sanadkii 2009-kii, guulaha Eto’o wuu sii socday isagoo qaatay abaalmarino badan oo ay ka mid yihiin laba guulood oo isku xigta oo Koobka Qaramada Afrika ah. Dhamaadka mustaqbalkiisa ciyaareed, wuxuu raad ku lahaa Chelsea, Everton iyo ugu dambeyntii Qatar Sports Club.