Sawiro:-Wafdi uu hoggaaminayo Danjiraha dalka Sweden ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb. Staffan Tillander iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiiradda Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Marwo Faa’iza Shariif Nuur Iyo Shaqaalaha Wasaaradaasi.
Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Gudoomiyeyaasha Haweenka Gobolada Baay iyo Bakool Iyo Gabdhaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed, iyaga oo kulanka ka sheegay in Haweenka Koonfur Galbeed u baahan yihiin garab istaag.
Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb. Staffan Tillander ayaa balan qaaday inuu si buuxda u garab istaagi doono Wasaaradda Haweenka iyo Guud ahaan Haweenka ku dhaqan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.