Sawiro:-Qaar ka mid ah Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta gaaray qaar ka mid ah Odayaasha Saxiixayaasha Maamulka Galmudug, kuwaas oo si weyn Magaaladaasi loogu soo dhaweeyey.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Xubnaha Guddiga Farsamaha iyo Maamul u sameynta Galmudug ayaa Odayaasha waxa ay kusoo dhoweeyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah Odayaasha Saxiixayaasha Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay la kulmi doonaan hoggaanka Ahlusunna, isla markaana ay doorweyn ka qaadan doonaan in ay xal ka dhex abuuraan khilaafka ka dhex-jira dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.
Sabtidii la soo dhaafay ayaa qorshuhu ahaa in la xareeyo gebi ahaan Odayaasha Saxiixayaasha Maamulka Galmudug, hayeeshee ay dib u dhacday kadib markii Odayaasha qaarkood oo ka maqnaa Magaalaada Dhuusamareeb iyo Arrimo farsamo oo kale, sida ay warbaahinta u sheegeen Xubnaha Guddiga Farsamaha iyo Maamul u sameynta Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa howlaha doorashooyinka Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in Magaaladaasi ay buux dhaafiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo dad xildoon ah.