Safaaradda Mareykanka ee Tunisia oo lala beegsaday qarax is-miidaamin ah
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin ku socdau mooto uu isku hor qarxiyey dibedda safaaradda, islmarkaana argagax iyo kala carar uu sababay.
Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka ee magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.
Booliiska ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday oo is-miidaamiye ahaa uu beegsanayey safaaradda oo ku taalla degmada Berges du Lac.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay rasaas ku fureen ninka ka hor inta aanu is-qarixin.Valueimpression Placeholder
Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter ku tiri “Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ayaa ka jawaabaya qarax ka dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka ee Tunis. Fadlan ka dheeraada agagaarka safaaradda.”
Muuqaallo lagu baahiyey warbaahinta gudaha ayaa muujinaya baabuur taalla waddada safaaradda oo burbur uu gaaray.
Raadiyaha Mosaique FM ee Tunis ayaa sheegay in shan sarkaal oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarka.
Naga filo wixii kusoo kordha dhowaan Insha Allah.
- Faah faahino dheerada oo kasoo Baxaya Qarax Muqdisho ka dhacay.
- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari lagu helay fal kufsi ah.
- Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Ingiriiska
- Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay dhiggiisa Norway.
- Taliye kuxigeenka Booliska Puntland oo ka warbixiyay Ciidamo lagu wareejiyay saldhigyadda Gobolada Mudug iyo Nugaal.