Akhriso: Maxa looga hadley Maalinka labaad ee Shirka Wadatashiga Puntland.
Posted On March 16, 2020
0
180 Views
0 
Waxa manta Maalinki labaad galay shirwaynaha Puntland kaas oo shalay Garowe ka furmey, shirka oo ay kaqayb galayaan Ergo badan oo ka kala timi somaaliya ayaa manta lagu gorfeeyayay ujeedooyinkii shirka looqabtey iyadoo ergooyinki shirka ka qayb galay koox koox looqaybiyay.
Ergooyinka la kala qaybiyay ayaana kadoodey qodobada Manta ajandaha ahaa waxa ayna falaqan yeen qodobadaan soo socda:
1-Puntland:
- Midnimada
- Amniga
- Horumarka
- Dawladnimada iyo dimuqraadiyeynta
2-Federaalka:- Federaaleynta Dalka Soomaaliya iyo Doorka Puntland
- Dib u eegista dastuurka
- Doorashada 2020
- Qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka
- Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah
- 3-Doorka Puntland ee Wada hadalada Dowladda dhexe iyo Somaliland.
Maalinta barui ah ayaa la filaya in War-murtiyeed laga soo saaro shirka kaas oo looga hadlaya waxa kasoo baxey shirka.




