Sawiro:Dowladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga oo heshiis rasmi ah Kala Saxiixday

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya heshiis rasmi ah ku kala heshiisday dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Heshiiskan oo ku saleysnaa sidii kor loogu qaadi lahaa qeybaha kala duwan ee wax-soo-ssarka dalka gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka.
Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO ayaa munaasabad loogu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weliba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga.
Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay mashruucan ka fuliyaan Soomaaliya, waxaana uu xusay in mashruucani uu bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan.
Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isaguna dhankiisa ka hadlay, ayaa sheegay isna sheegay in ay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo dalka.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca wax-soo-saarka dalka, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in mashruucan ay si wadajir ah uga soo wada shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo hay’adaha caalamiga ah ee fulinaya mashruucan.
“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyay, waxaana si wadajir ah mashruucan uga soo shaqeeyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo hay’adaha dawladda ee wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yiri Eng. Cabdullaahi Cali Xasan.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi hadalkiisa kusii daray “Mashruucani wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxu dadka u abuurayaa shaqo, wuxuu leeyahay fursado dhaqaale, wuxuu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhexmara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka dalka.”

