Madaxa WHO “Afrika waa in ay hurdada isaga kacdo”.

Madaxa sare ee Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa u sheegay dalalka Afrikaanka ah in ay isku diyaariyaan ka hortagga xaaladdii ugu xumeyd ee cudurka corona xilli cudurkani uu kusii baahayo dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika.
Qaaradda Afrika gudaheeda waxaa cudurkan ugu dhintay 16 qof, lix qof wuxuu ku dilay gudaha dalka Masar, lix qof waxay ugu dhimatay dalka Algeria, labo qof gudaha dalka Morocco halka Burkina Faso iyo Suudaanna uu min hal qof ku dilay cudurkan.
Madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ugu baaqay dalalka Afrikaanka ah in ay hurdada ka kacaan, feejignaanna muujiyaan, si looga hortago cudurkan saf-marka ah ee coronavirus.
“Afrika waa in ay hurdada isaga kacdo, waxaan aragnay sida dalalka kale uu ugu baahay fayruska kaddib markii ay sare u kaceen kiisaska” ayuu yiri madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.
Koonfur Afrika kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona waxay gaareen 116 kiisas.
Dhawaan ayey aheyd markii Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ugu baaqday dhammaan dalalka caalaamka in ay baaraan qof kasta oo looga shakiya fayraska Corona si loo xakameeyo cudurka Corona.
Xigasho: BBC