Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sannadka 2021-ka

Ururka Al-Shabaab oo dagaal ba’an kula jira dowldda Soomaaliya kana taliya qeybo ka mid ah dalka, ayaa go’aan kasoo saaray doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka 2021-ka.
Go’aanka kasoo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay mamnuuc tahay in dalka lagu qabto doorasho sannadka 2021-ka, isla markaana waxa ay Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimaha la xiriira doorashadaasi.
Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka ee dalka, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo dalalka kenya iyo Itoobiya, una horseedayo colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed.
Warkan kasoo yeeray Al-Shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu xusay in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee kusoo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxayna Al-Shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dili karo tahriibayaasha u dhashay dalka Itoobiya, maadaama sida ay hadalka u dhigeen ay yihiin cadowga koowaad ee Soomaaliya uu leeyahay.
Qoraalkan kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay in dalka ay ka bilaabatay doorasho, taasi oo la filayo in ay sannadka dambe ka dhacdo, isla markaana ay noqoto doorasho qof iyo cod ah, sida uu yahay qorshuhu dowladda.