Walwal laga muujiyey xaalada kumanaan caruur oo uu saameeyey xanuunka Corona

Iyada oo tirada kiisaska Covid-19 ee guud ahaan qaaradda Afrika ay aad kor ugu kaceen toddobaadkan, nidaamyada caafimaad ee u adeega qaar ka mid ah carruurta nugul iyo kuwa la faquuqo iyo qoysaska adduunka ayaa lasoo gudboonaan doona welwel sii kordhaya, ayey ka digtay hay’adda Save the Children.
Waxaa hadda jira ugu yaraan 2,412 kiis oo la xaqiijiyey [i] guud ahaan 43 dal oo ku yaal qaaradda Afrika – oo ah in ka badan 500 boqolkiiba tan iyo 17-kii Maarso. [ii] iyadoo sagaal dal oo keliya aan laga xaqiijin kiisaskan.
Koonfur Afrika ayaa leh kiisaska ugu badan ee la xaqiijiyay ee Covid-19 ee ah dal ka hooseeya Saxaraha Afrika, oo deris la ah Burkina Faso, arrintaasi waxay sare u qaadeysaa welwelka ku saabsan in fayrasku ka gudbi karo nidaamka caafimaadka haddii heerarka caabuqa ay sii kordhaan.
Hadii fayrasku kusii faafo heerkaan, nolosha kumanaan kun oo caruur ah ayaa qatar ku jiri karta, ayey tiri hay’adda Save the Children. Faafitaanka kiisaska ‘Covid-19’ waxay qatar ugu jiraan carqaladeynta nafaqada, tallaalka iyo adeegyada kale ee caafimaad ee carruurta haddii tas-hiilaadku ay noqdaan kuwa xad-dhaaf ah, shaqaalaha caafimaadku way bukoon karaan ama qoysasku ayaa kala fogaan karaan sababtoo ah waxay ka baqayaan inuu ku dhaco fayraskan.
Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa dadaallada loogu talagalay badbaadinta carruurta ee nafaqo-xumada ba’an iyo cudurrada sida duumada, oof-wareenka iyo shuban-biyoodka. Waxaa taas wehliya, maadaama suuqyada u dhow lagu soo rogay xayiraado dhinaca dhaqdhaqaaqaah, qoysasku waxay heli doonaan dakhli yari si ay u daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah.
Si loo taageero carruurta iyo qoysaskooda ku nool waddamada ay dhibaatadu saameysay ee qaaradda Afrika iyo adduunka oo dhan, hay’adda Save the Children waxay bilowday codsi ah in kor loogu qaado 30 milyan oo doollar bilaha soo socda. Sida lama huraanka ah, marka ay saameyntu sii socoto, baahida lacageed kor ayey usii kici kartaa.
Hay’adda Save the Children waxa ay sheegtay in Lacagtaas looga gol leeyahay in lagu xoojiyo barnaamijyadeeda lagu badbaadinayo carruurta ku nool wadamada uu ku dhacay caabuqa corona, si kor loogu qaaddo taageerada nidaamyada caafimaadka dalka iyo wacyiga waalidiinta iyo daryeelayaasha sida loo siiyo taageero maskaxeed ee carruurta. Lacagaha ayaa sidoo kale loo adeegsan doonaa in lagu taageero carruurta waaliddiintoodu ka lumay.
Hay’adda Badbaadada Caruurta ee Save the Children waxay ugu yeereysaa bulshada caalamka in ay kordhiyaan dhaqaalahooda si ay u taageeraan dadaalada dowladaha ee ku aadan wax ka qabashada fayruska corona ayna badbaadiyaan caruurta noloshooda.
Dowladaha Afrikaanka ah ayaa siyaabo kala duwan ula tacaalayey cudurka Covid-19 bilihii lasoo dhaafay, oo ay ka mid yihiin bandow, mamnuucid duullimaadyo, xannibaado iyo olole ballaaran oo dad weynaha lagu wacyi-gelinayey iyo olole nadaafadeed.
Si kastaba ha noqotee, marka loo eego xaaladaha degdegga ah ee kiisaska la xaqiijiyay ee qaaradda oo dhan, hay’adda Save the Children waxay aaminsan tahay in loo baahan yahay in wax badan la qabto si looga hortago in cudurku sii faafo.
Agaasimaha hay’adda Save the Children ee gobolka Eric Hazard ayaa yiri: “In kasta oo aan ognahay in deeq-bixiyeyaashu ay dalabaadyo badan ka haystaan, haddana waxaa muhiim ah in aannaan ka laaban mas’uuliyaddeena caalamiga ah hadda. Horta waynu ka arki karnaa in haddii aan iska indhatirno faafitaanka COVID-19 ee waddan ka mid ah, ay si dhakhso ah ugu horseedi doonto kiisas badan wadamo kale. Waa inaan taageerno wadamada leh nidaamyo caafimaad oo daciif ah oo aan la garab istaagno bulshooyinka ugu saboolsan iyo kuwa ugu faqrisan kuwaas oo leh awood ay ku taageeraan oo iskaga ilaashadaan saameynta cudurkaan. Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah waa in ay maal-gashadaan wadamada taageera si kor loogu qaado nidaamyadooda caafimaad, iyada oo taageero gaar ah la siinayo wadamada leh awood yar oo ay ku maareeyaan fayruskan, sidaa darteed saameynta carruurta aadka u nugul iyo qoysaskooda ayaa la yareynayaa intii suurtagal ah”.
Hay’adda Badbaadada Caruurta ee Save the Children waxay ku boorineysaa dowladaha oo dhan in ay qaadaan tallaabooyin dhowr ah oo lagu hubinayo in macluumaadka saxda ah la gaarsiiyo bulshooyinka nugul kahor inta aan kiisaska tiradooda aynan kordhin.