Sawiro:-Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu wareejiyay qalab caafimaad oo loogu talogalay ka hortagga coronavirus
Posted On March 29, 2020
0
278 Views
0 
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ku wareejisay qalab caafimaad oo loogu talogalay ka hortaga caabuqa corona Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Qalabkan ayaa waxaa Soomaaliya iyo dowladaha ee Afrika ugu deeqay maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha oo lagu Magacaabo Jack Ma, kaas oo wax ka leh Shirkadda caanka ah ee Alibaba.
Sidoo kale Maalinta berito ah ayaa waxaa la filayaa in qalabkan la gaarsiiyo Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.
Dhawaan ayey aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay qalab caafimaad oo loogu talogalay ka hortaga Coronavirus ku wareejisay Maamulada Punland iyo Somaliland.