Sawiro:-Taliska Booliska Magaalada Cadaado oo gacanta ku dhigay Maandooriyeyaal iyo raggii watay

Taliska Booliska Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen maandooriyeyaasha Khamriga iyo Xashiishka iyo dad la sheegay in ay ka Ganacsanayeen.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado Laba Xidigle Cali Maxamed Xasan (Cali Dheere), waxaana uu sheegay in ay Gudaha degmada kasoo qabteen Xashiis iyo Khamri fara badan iyo dad isticmaalayay kana Ganacsanayey.
Sidoo kale Taliyaha waxa uu sheegay in Maanta ay khamrigaas goob fagaaro ah ku burburin doonaan sidoo kalena ay gubi doonaan Xashiiska, ayna Maxkamad geyn doonaan dadkii lagu soo qabtey, iyaga oo ka ganacsanayey.
Si kastaba ha ahaatee Maalmihii dambe ayaa Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado waxa ay baadi goob ku hayeen dad ka Ganacsanayey waxyaabaha maanka-dooriya, kadib cabasho ay u gudbiyeen qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaaladaasi.

