Tababare Caan ah oo hooyadiis ay u geeriyootay Cudurka Coronavirus

War ay hadda shaacisey kooxda reer England ee Manchester City ayaa lagu xaqiijiyey geerida ku timid hooyada dhashay tababaraha naadigaas ee Pep Guardiola.
Kooxda ka dhisan England waxa ay xaqiijisay in Guardiola hooyadiis Dolors Sala Carrió ay u geeriyootay caabuqa corona.
Qoraalka ay ku shaacisey Sky Blue geerida Pep Guardiola hooyadiis ayey ku sheegtay inay ku geeriyootay dalka Spain gaar ahaan magaalada Barcelona, iyadoo 82-sano jir ahayd.
“Qoyska Manchester City aad ayey uga murugeysan yihiin inay soo sheegaan geerida maanta ku timid hooyada Pep ee Dolors Sala Carrió oo ku geeriyootay halka la yiraahdo Manresa ee dhacda Barcelona, kaddib markii uu haleelay Coronavirus, waxayna da’deedu ahayd 82 sano jir.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo Manchester city.
“Qof walba oo xiriir la leh naadiga wuxuu u dirayaa tacsi qalbi qaboojin ah waqtigaan aadka u dhib badan Pep, qoyskiisa iyo dhammaan saaxiibadooda.” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka City.