Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisey dhimashadii ugu horreysay ee Coronavirus
Posted On April 8, 2020
0
150 Views
0 
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisey qofkii ugu horreeyey uu Coronavirus ugu geeriyoodey gudaha dalka Soomaaliya.
Qofka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 8 ruux oo horay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay u shaacisey in laga helay Caabuqa Corona.
Sidoo kale da’da ruuxa geeriyooday waxa y Wasaaraddu ku sheegtay 58 sano jir.
Ehelka ruuxa Muqdisho ugu geeriyoodey Fayruska Corona ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu isbitaal ku yaalla Muqdisho ku jiray kahor inta aan loo wareejin Isbitaalka Martini oo loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadka qaba Coronavirus.
Waa qofkii ugu horreeyey ee cudurkan ugu geeriyooda Soomaaliya tan iyo markii uu Soomaaliya soo gaaray.