Madaxweynaha FIFA oo shaaciyey xilliga dib loogu soo laabanayo ciyaaraha kubadda cagta

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa cadeeyay waqtiga saxda ah ee dib loogu soo laaban doono ciyaarista kubadda cagta.
Gianni Infantino ayaa sheegay in xaaladda adag ee jirta ay sababtay dhimashada dad badan, wuxuuna sharxay in hadda tirada waxyeelada Cudurka Coronavirus ee dalka Talyaaniga uu hoos u dhacay, sababtoo ah waxay bilaabeen in ay raacaan tilmaamaha, isla markaana ay joogaan guryahooda dhawaantan.
Haddaba Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino oo ka hadlayey xilliga dib loo ciyaari doono kubadda cagta ayaa yiri: “Xaqiiqdii, waxaan dooneynaa soo laabashada kubadda cagta, laakiin waxaa iska cad in caafimaadka uu yahay muhiimada koowaad maanta, waana inaan u hogaansanaa tilmaamaha, tani waa arrin ixtiraameysa dadka la dhibaateysan xanuunka iyo dhaqaatiirta”.
“Dhibaatadan waxay u muuqatay heer caalami ah Adduunka iyo waliba kubadda cagta, waxaana saameynaya wax kasta oo dhaca, marka ay nolosha kusoo noqoto sidii ay horrey u ahayd, Kubadda cagta waa in ay door muhiim ah ciyaarto.” ayuu yiri Gianni Infantino.
“Ilaa inta ay khatar jirto iyo inta ay bani’aadamka khatar ku jiraan, kuma soo noqon karno inaan ciyaarno, waxaan ku laaban doonaa ciyaarta marka uu qof walba soo kabsado oo aan nabad noqono” ayuu sidoo kale yiri.
“Ma go’aamin karno taariikhda ay dib usoo noqon doonaan tartamada… ma garanayo, laakiin waxaa laga yaabaa bilaha July ama August”.
“Ma ahan inaan culeys saarno nafteena, waxaana u baahan nahay inaan fahamno xaaladda oo aan wada hadalno oo aan isku diyaarino marka ay dawladuhu inoo sheegaan inaan talaabo qaadi karno diyaar ayaan noqon doonaa”.
“Laakiin cadaalad ma ahan iyadoo ay dad badan dhibaato ku jiraan inaan dhahno waxaan dooneynaa inaan sida ugu dhaqsaha badan u ciyaarno, waan ciyaari doonaa markaan awoodno.” ayuu Madaxweynaha FIFA kusoo geba-gabeeyay hadalkiisa.