Xiddiga Ronaldinho iyo walaalkiis oo xabsiga laga sii daayey

Laacibkii hore ee xulka qaranka Brazil, Ronaldinho, ayaa waxaa laga sii daayey xabsi ku yaallay dalka Paraguay.
Laacibkan oo sannadkii 2005-tii ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or wuxuu waqti ku qaatay xabsi, waxaana lala xiray walaalkiis.
Labadoodaba waxaa la xiray 6-dii March, waxayna ku eedeysnaayeen isticmaalka baasaboorro been abuur ah.
Labadan walaalaha ah waxaa horrey loogu diiday in racfaan lagu sii daayo, balse waxaa laga qaaday $800,000 mid kasta, ayna ku sugnaadaan hoteel ku yaalla Asuncion muddada ay socotay dacwadooda.
Labaduba, Ronaldinho, oo 40 sano jir ah iyo walaalkii Roberto Assis way beeniyeen in ay qalad sameeyeen.
Qareenkooda wuxuu xarigga labadan walaalaha ah ku tilmaamay “xad gudub aan kalsooni lahayn iyo sharci darro.”
Garsooraha u ogolaaday in xabsiga laga saaro oo hoteelka lagu hayo, Gustavo Amarilla, wuxuu sheegay in qiimaha lacagta ay bixiyeen “ay tahay mid badan” taas oo “xaqiijineysa in aysan baxsan”.
Ronaldinho wuxuu horrey u booqday waddanka Paraguay, isagoo xayeysiin u sameynayey book iyo olole wax loogu qabanayo carruurta dhibaatooyinka gaarka ah qaba ee la yaso.
Laacibkan oo Sannadkii 2002-dii xulkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka, wuxuu horrey ugu ciyaaray kooxaha Paris St-Germain, Barcelona iyo AC Milan. Wuxuuna ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2015-kii.
Ronaldhinho markii uu ku guuleystay Tartankii Koobka Adduunka ee 2002-dii, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Fifpro World Player ee 2005-tii iyo 2006-dii.