MAQAAL : INTAADAN KU BIIRIN BARO

1.Waa maxay urur Siyaasadeed ?
2.Waa maxay Xisbi Siyaasadeed?
3.Xage Ka soo bilaamay xisb siyaasadeed (political parties’ system) ?
4.Waa maxay Farqiga U Dhexeeya Urur Siyaasadeed iyo Xisbi Siyaasadeed ?
5.Yay ka mamnuuc tahay xubin ka noqoshada Xisbiga Siyaasadda?
Shaqsiyaadka aan ka mid noqon karin xubin xisbi siyaasadeed?
6.Waa maxay sifooyinka lagu garto Xisbi Siyaasadeed ?
7.Ma ka hirgeli karaa puntland Nidaamka xisbiyada Badan si lagu gaaro hal qof iyo cod?
8.Waa maxy doorka dhallinyarada ee Ka mid Noqoshada Xisbiyada ?
9.Caqabadaha dhallinyarada ee ka hysta kala doorashada Xisbiyada danleeyda u badan ?
10.Ma la jooga Xilligii aad ku biiri lahyd urur Siyaasadeed ?
Urur Siyaasadeed”: Waxaa loola jeedaa koox muwaadiniin ah oo wadaaga fikir siyaasadeed oo isu-diiwaan-geliya Urur ahaan si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ka hor inta aan loo aqoonsan xisbiyo Qaran/Dawlad Goboleed
Xisbi siyaasad (Af-Ingiriis: Political party; Af-Carabi: حزب سياسي) waa koox dad ah kuwaasi oo ku midoobay aragti isku mid ah, isla markaana qorshohoodu yahay ineey ka qeybqaataan doorasho ayaga oo u tartamaya sidii ay u qaban lahaayeen tallada dowlad.
Xisbi/Xisbiyo”: Waxaa weeye micnaha Guud ee Xisbi/Xisbiyada Qaran/Dawlad/Dawlad Goboleed ee la ansixiyay si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Guud ee Golaha Wakiillada iyo kuwa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa;
Doorashooyinka ah Qof iyo Cod”: Waxaa weeye Micnuhu doorashooyinka Guud ee ay ku tartamayaan Saddexda Xisbi ee Meeshaas ka tartamay.
Marka la isku soo xooriyo waxa si mug leh oo lagu qanci karo u qeexay micnaha ballaaadhan ee u leeyahay xisbi siyaasadeedku aqoonyahan u dhashay wadanka Irlan oo la odhan jirey Edmund Burke wuxuu ku sheegay inuu xisbigu yahay koox dadka ka mid ah oo isku kaashatay aragti ay wada aaminsan yihiin oo u adeegaysa danta guud iyaga oo si dhabta ah u maraya mabaadi ay wada dhigteen meteleyana xadaarada iyo jiritaanka ummadohooga oo aanay ku jirin khiyaamo iyo wax is daba marin toona.
Xage Ka soo bilaamay xisb siyaasadeed (political parties’ system)
Samaynta iyo aasaaska xisbiga siyaasiga ah aqoonyahanada qaar waxay u dejiyeen shuruudo iyo qiyaaso lagu garan karo inuu yahay xisb siyaasi ah oo buuxiyey u jeedooyinka loo sameeyey, dadka sida xoogga ah uga hadlay waqtiyadan dambena wax ka qoray waxa ka mid ah aqoonyahanka Maraykanka ah ee lagu magacaabo Samuel P. Huntington oo qoray buuggaagg adduunka laga wada yaqaan sida The Clash of Civilization, Who Are We?: The Challenge, The Third Wave, Political Order in Changing iyo The Soldier and the State.
Si Guud Faqriga udhexeeya Urur iyo Xisbi Siyaasadeed: Urur siyasadeedku waa wadada lagu gaaro xisbi Siyaasadeed tusaale fudud ururku markuu buuixyo Dhammaan Shuruudaha laga rabo oo ay ugu weyn yihiin Hanashada Dadka, Furahsada Xafiisyo Heer Degmo ilaa Heer Gobol Iyo Bixinta lacag laga rabo.
Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Ururada”: Sida ay uu uq qabo Buuga Abrham ee (Democracy process) waa hoggaanka sare ee Xisbi/Urur oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha, Gudoomiye-kuxigeennada, Xog-hayaha Guud iyo ku xigeenkiisa.
Yay ka mamnuuc tahay xubin ka noqoshada Xisbiga Siyaasadda?
Shaqsiyaadka aan ka mid noqon karin xubin xisbi siyaasadeed:
Kadib markaan akhryey habraacyada doorahooyinka wadama UK, U.S.A Iyo Somalia tan hadda u degsan waxaa ku qoran qodobadaan hoos ku xusan inaysan ka mid nqon Karin Xisbi siyaasadeed
a) Ciidamada Qalabka Sida.
b) Garsoorayaasha c)
Shaqaalaha Safaaradaha iyo diblomaasiyiinta
d) Shaqaalaha dowlada Shaqaalalaha Dowlada
waxaa ka reeban xubin ka noqosho howlaha xisbi siyaasadeed oo ay ku jirto:
a) Hormarinta ama xayaysiinta danaha xisbi siyaasadeed.
b) Ka qeyb qaadashada kulamada, dibad baxyada xisbi siyaasadeed
Si bayaan u muujisid garabsiin ama kasoo horjeed xisbi siyaasadeed ee aad ku muujiso qoraal ama oraah.
WAA MAXAY SIFAYAASHA XISBIGA SAXA AHI LEEYAHAY:
Xisbi siyaasiga ee saxda ahi wuxuu leeyahay xeer iyo nidaam la raaco. Xeerka iyo nidaamkaasi waa mid aan cidina ka sarayn.ku dhaqangalkiisana waxaa fuliya oo ilaaliya dhamaan taagerayaasha xisbigaas ka tirsan.
Xisbi siyaasiga ee saxda ahi wuxuu leeyahay kala danbayn maamul. Awoodaha xisbiguna waxay ku qeexan yihiin xeerka xisbiga xisbiga awoodihiisu salka ku hayso , gobolaysi, shakhsi jacayl iyo qabyaalad kuma sifoobaayo xisbi saxa sda aan kazoo xiftay The Guardan Maqaal u qoaray .
Xisbi siyaasiga saxda ahi wuxuu qabtaa doorashooyin xaq iyo xalaal ah oo shakhsigu codkiisa si xor ah u dhiibto. bulshada inteeda badanina raali ku tahay. Waxaa ka reeban xisbiga siyaasiga kow isku tanaasul beel, gobol, ama shkhsi lagu raaligelinaayo.
Xisbi sisaasiga ee saxda ahi wuxuu ilaaliyaa oo uu ku dhaqmaa dastuurka dalka. Hadii xisbiga siyaasiga ahi ka leexdo ku dhaqanka dastuurka dalka wuxuu xisbigaasi abuuraa koox yar oo keli talis ah oo aan dastuurka iyo xeerarka dalka midna ku dhaqmin.
Ma ka hirgeli karaa puntland Nidaamka xisbiyada Badan si lagu gaaro hal iyo qof iyo cod?
Dabcan “Haa” Haddii la Isku Biiriyo
- Ka Go’naasho Dawladeed
2.Ka Qayb Qaadasho Shacab
3.U Qoondayn lacageed oo ku filan
Iyo Buuxinta Dhammaan waxyaabaha Looga Baahanyhy Meel la rabo inay Isku Diyaarso Doorasho Qof iyo Cod sida
1.Hubinta Dhammaan Amniga Guud
2.Samaynta Tirakoob bulsho oo dhab ah (facts and Figures as Whole census )
3.Xadaynta Xuduudaha Heer Degmo ilaa Heer Gobol.
Waa maxy doorka dhallinyarada ee Ka mid Noqoshada Xisbiyada ?
Dhallinyarada Somalia Gaar ahaan kuwa Puntland waa %85 iyo ka badan sida aan Qiyaasayo weliba 70% waxbartay lakiin 80% dhashay burburkii kadib aan Dawladnimo arag , Nidaamka asxaabta badana aan fikir Guud ka haysan ku koray bur bur iyo Dad walaala ah oo cadaw isku arka.
Marka waa adagtahay inay door muuqda ka qaataan xilliga kan Nidaamka asxaabta badan haddaanay isbedel samayn talooyinka aan Siina lahaa Dhallinyarada aan ka mid ahay.
1.Inay hagto aqoontii ay barteen uu kala saaraysa maxaa sax maxaa khalada
2.Inay Sameeyaan midow ama (Union) ay ku muujinayaan cududooda taasi oo ay ku gaari karaan inay Saamayn togan ku yeeshaan Nidaamakan curdanka
3.Inay Baritaan badan ka sameeyaan nidaamka axsaabta badan (political parties system )
4.Inay ka fekeraan masiirkooda oo ay u taxliilyaan ugana fekeraan, wax badan ka ogaadaan Xisbga u ku biiraayo tusaale fudud maka mid noqon kara saddexda Xisbi ee gudbaya (How)
Caqabadaha dhallinyarada ee ka hysta kala doorashada Xisbiyada danleeyda u badan ?
Dhalinyarada ayaa waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin lafdhabarta bulshakasta. Sidaa ay tahay waxay la tacaalayaan duruufo dhaqan dhaqaale oo aad u qalafsan (socioeconomic challenges aspects).
Caqabada ugu weyn ee haysta waa faham la.aan ka haysata Nidaamakan oo ku cusub wadan iyo Afrikaba oo aan looga fulin sidii saxda ahayd.
Caqbadaha ugu badan ee looga faaidaysan karo holdoorka, aqoonyahanka Dhallinyarda.
1.Shaqo la.aan : dhallinyarada jaamcadaha kasoo Graduate gareeyey oo saqa la.aan la fadhya meheradaha waxay qabtaan la,a Fursadaha Dawladeediyo kuwa Gaarka ah ba oo aad u yar waxay sababtay in aqoonyahankii la iibsan karo
2.Lacag la.aan (financial problem; taasi oo sababtay shaqo la.aanta baahsan ee wadanka ka jirta waxaad arkaysa nin aqoonyahan oo keliya masiirkiisa ka doortay Shilimaad yar oo keliya lagu dhahaayo (Nagu Soo Biir) Suaal Nin aqoonyahan ah ma qabata keliya in lagu dhaho nagu soo biir iyadoo aan loo sharaxayn ( Ururka , Ahdaafta uu Higsanaayo, Sectors uu Xooga Saarayo Sida Waxyaabaha aasaasiga iyo waxyaabah ay kaga duwanyihiin Ururada kale . waa dhibaatada manta taagan.
Ma la jooga Xilligii aad ku biiri lahyd urur maxaa talo ku siina ?
Suaasha idinka ayaa Idiin Deynaaya ?
W/Q: Hon Abdulkadir Aden Shire