Akhriso:-Sida Covid-19 uu u saameeyey nolosha caadiga ah ee dadka

Sida ku suxan warqadda ka timid saxafiyiinta Afrika, Joseph Warungu oo ka mid ah saxafiyiintaasi wuxuu eegayaa sida coronavirus uu wax uga badalay nolosha dad badan, laga soo billaabo xafladaha dhalashada illaa duugta.
Warbxinnada taxanaha ee aan ku eegnay wararka ay qoraan weriyeyaasha Afrikaanka ah, waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa warbixin uu weriye Joseph Warungu ka diyaariyay saameynta ka dhalatay Coronavirus haddii ay noqon laheyd xafladaha dhalashada iyo duugtaba.
Sheila Atieno waxay heegan ugu jirtaa sidii ay u caawin laheyd haweeney uur leh oo isbitaalka loo keenay in ay ku umusho, waxay haweeneyda ku sugan tahay isbitaal dowladda ay maamusho oo ku yaalla magaalada Nairobi kaddib markii laga helay Coronavirus.
Sheila Atieno oo aqoon durugsan u leh cudurrada ku dhaca haweenka, waxay ka mid tahay koox dhakhaatiir ah oo loo xilsaaray in ay daaweeyaan haweenka uurka leh ee lagu arkay calaamadaha fayraska Corona.
“Wey adag tahay in aan la qabsado xaaladdan, gaar ahaan marka ay timaaddo in si gaar ah aan u daweeyo haweenka uurka leh ee uu ku dhacay xannuunka Covid-19,” ayay tiri Sheila.
“Marka aan ku suganahay qeybta isbitaalka ay haweenka ku umulaan, waxaan inta badan la taacalayaa dheecaan, inkasta oo aan shaqadan qabto aniga oo ku labisan dhar qafilan, waxaan dareemaa kuleyl iyo ciriiri”. ayey tiri.
Waxay sheegtay in marka ay gurigeeda tagto in aysan la kulmi karin carruurteeda illaa ay jirkeeda ka nadiifineyso.
“Waa shaqo adag oo dareen igu reebta, marka ma lihi dooq kale, waxaan ka aheyn shaqadeyda oo ii horseedi karta nolol cusub haddii uu jiro cudur safmar ah ama in kaleba,” ayay tri Dr Atieno.
Francis iyo Veronica Gitonga waa lamaane aqal galay waxay bisha arooska ku qaadanayaan gurigooda oo ku yaalla deegaanka Nyahururu oo 200 km u jirta magaalada Nairobi.
Waxa uu arooskoodu dhacay 5-tii bishan, waxay xafladda arooska ku martiqaadeen 500 oo qof, balse 6 qof oo kaliya ayaa loo ogolaaday kaniisaddii uu arooska ka dhacayey. Asxaabta iyo qaraabada kama aysan qeyb galin.
Xayiraadaha looga hortaggayo cudurka corona ayaa sababay in boqolaal qof ay u suurogeli waydo in ay ka qeybgalaan arooskooda, waxaana xafaladdi lagu soo dhaweynayay arooskoodu ka qeyb gashay 12 qof ugu badnaan.
Gitonga wuxuu sheegay in arrintani ay u horseeday in ay ka faai’deystaan.
“Sida uu qorshaha arooskeenu ahaa waxaa ku bixi lahaa qarash gaaraya Ksh 300,000 oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $2,800 oo doolar…ugu dambeyntii waxaa nagu baxday Ksh 50,000 oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $500 oo doolar.”
Wuxuu sheegay in haatan ay dad badan soo wacayaan oo ay ku leeyihiin in ay qabsadeen aroos qiimo jaban.
Francis iyo Veronica Gitonga waxay wadaageen jaceyl xilli lagu gudo jiro saameynta ka dhalatay cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Markii Kenya ay ku dhawaaqday bandow soconayo habeenkii si looga hortaggo faafitaanka fayraska Corona, waxay booliska toogteen wiil yar oo 13 jir ah oo lagu magacaabo Yaasin Xuseen Moyo.
Yaasin keliya ah ma ahan cidda ay booliska dhibaateeyeen balse waxaa jira dad kale oo dhibaato kasoo gaartay gacanta booliskii la doonayay “in ay u adeegaan dhammaan shacabka.”
Xayiraadda Coronavirus waxay horseeday tacadiyo ay geysato dowladda.
Aabaha dhalay wiilka dhintay, Xuseen Moyo wuxuu hadal qiiro leh ka jeediyay goobtii lagu aasay wiilkiisa, wuxuuna yiri: “Maalinkii waxaa wajaheynaa halista fayraska, habeenkiina waxaan la daala dhaceynaa argagax gelinta booliska”.
James Orengo waa siyaasi caan ah, waana senator ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn Kenya. Kalfadhigii baarlamaanka ee sannadkii 2017-kii, wuxuu Orengo baarlamaaka ka hadli jiray khatarta ay shacabka u horseedi karto meel marinta sharciyada xun.
Wuxuu ku eedeyn jiray dowladda in ay gacan adag ku heyso shacabkeeda.
“Mararka qaar kacdoonnada waxay dhibaateeyaan shacabkooda… dowladdu waxay dhibaateysaa dadkeeda, dowladdan way idiin ciqaabi doontaa si ka daran ciqaabtii ay inaga ina marsiiyeen, waxaan idiin sheegayaa, “in sannad kale aad kusoo ooyi doontaan xafiiskeyga si aan idiin matalo”.
Waxay shacabka Kenya hadal hayeen qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay oo ah; “waxaan kaxeystay baabuurkeyga si aan u aado baarlamaanka oo aan isaga soo baari lahaa cudurka Covid-19, aniga oo u hoggaansan tallaabooyinka adag ee looga hortaggayo cudurka safmarka ah”.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa dhaleeceeyay hadalka ah ‘inuu si iskiis ah u kaxeysanayo baabuurkiisa.
Xayiradda Covid-19 waxay horseeday in waaxda gaarsoorka ee Kenya ay ku shaqeyso nidhaamka Online-ka ah.
Dadka ka faa’deystay arrintani waxaa ka mid ahaa nin lagu soo eedeeyay inuu suuq lagu dukaameysto ka xaday Kitaabka masiixiyiinta ee Bible-ka.
Kaddib dhageysiga dacwaddiisa oo ka socotay shaashad toos ah xilli ay booliska gacanta ku hayeen, waxaa sii deyntiisa ku dhawaaqay garsoore dhageysanayay kiiskiisa.
Tallaaabadan waxay dowladda uga gol leedahay in ay yareyso ciriiriga ka jiro xabsiyada si looga hortaggo faafitaanka Corona, waxaa sii deyntaas ka faa’ideystay maxaabiis loo heystay dambiyada fudud.