Xildhibaan katirsanaa Baarlamanka Somaalia oo ku geerioyoodey Muqdisho.

Waxaa saka magaalada muqdisho ee caasimada somaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan Jamhuuriya oo kamid ah mudanayasha Baarlamaaka somaaliya, Xildhibaanka ayaana xaalad Caafimaad ugu jiray Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ugu danbayn ku geeriyoodey .
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, kuxigeenka 2-aad Mahad Cabdala Cawud wasiirka warfaafinta dhaqalka iyo dalxiiska ee Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Maxaed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Amniga gudaha ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale iyo dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlmaanka Soomaaliya ayaa katacsiyeeyay geerida AUN Xildhibaan Aadan Cali Xasan Jamhuuriya oo ku geerioyooday magaalada Muqdisho ee caasimada somaaliya.
Dhamaan masuuliyiintaan ayaa marxuumka alle uga baryay inuu Naristii jano ka waraabiyo waxa ayna si gaara ugu tacsiyeeyeen ehelki iyo qaraabadi marxuumka.