DEG DEG:- Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo muddo kordhin u sameeyey Laftagareen

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeelgaar ah ee Maamulka Koonfur Galbeed kulan ku yeeshay Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo ajendahoodu uu ahaa in ay ka doodaan muddo kordhin loo sameynayo Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Baarlamaanka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u codeeyey muddo kordhin hal sano iyo labo bilood ah oo loo sameeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Sanadka 2024-ka ayey ku eg tahay mudada xilheynta Madaxweyne Lafta-gareen, taas oo ka dhigan in muddo 6 sano ah uu ku fadhin doono kursiga Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin maadaama ay horay u sheegtay in loo baahan yahay in Doorashooyinka Maamul Goboleedyada ay tahay in ay waqtigooda ku qabsoomaan.

