Ciyaaryahan ka ciyaara horyaalka Soomaaliya oo laga helay Covid 19
Posted On April 21, 2020
0
197 Views
0 
Sida uu xaqiijiyey telefishin ka mid ah telefishinada baahiya horyaalka Soomaaliya ee loo yaqaano Somali Premier League, ayaa shaaciyey in ciyaaryahan ka tirsan ciyortoyda ka xamaalata horyaalka uu ku dhacay cudurka safmareenka ah ee Covid 19.
Kubad sameeyaha Kooxda Kubadda Cagta ee Dekedda ee lagu magacaabo Caadil Nuur ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay cudurka Covid 19.
Caadil Nuur ayaa waxa uu noqonayaa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee ka ciyaara horyaalka Somali Premier League ee laga helo cudurka Coronavirus tan iyo bishii Maarso ee sanadkan.