Sawiro:-Wadan ka tirsan Caalamka oo muwaadiniintiisa kala baxay Soomaaliya

Diyaaradda Turkish Airways ayaa xalay waxa ay Magaalada Muqdisho ka qaaday inta badan Shaqaalihii Turkiga ee ku sugnaa Muqdisho, kuwaas oo dib loogu celiyey dalkooda.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la fulinayo Amarkii Madaxweyne Erdogan ee ka hortagga COVID-19 si KMG ah ay shaqaalaha Turkiga loogu daad gureeyey dalkaas.
“Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteenna ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa si KMG ah uga soo guuray Muqdisho una aaday dhanka Turkiga, iyagoo raacaya tilmaamaha lagu soo qaadayo muwaadiniinteenna dibedda loogu keenayo dalka Turkiga” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Sida aynu wararka ku heleyno waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-Caade ka duushay 101 muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga, kuwaas oo ka shaqeynayay Muqdisho.