Sawiro:-Saciid Cabdullaahi Deni oo dalacsiin u sameeyey Ciidamo ka tirsan Puntland
Posted On April 29, 2020
0
210 Views
0 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tababar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna kadib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Xarunta.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ay ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xilli habeen ah daadad kusoo rogmadeen Qardho, wuxuuna Madaxweynuhu min hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku saameeyeen.