Baarlamanka Jubboland oo meel mariyay Codsi uu usoo gudbiyay Axmed Madoobe.
Posted On May 3, 2020
0
260 Views
0 
Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa manta kismaay ayaa waxa ay kaga hadleen mudo kordhinta soo dhisida golaha xukuumada ee maamulka jubboland taas oo uu codsi usoo gudbiyay madaxwayne Axmed Madoobe, waxaana shir guddoomiyay kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Xildhibaanada Jubbaland ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Codsiga Axmed Madoobe, waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday, halna waa uu ka aamusay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, waxaana loo kordhiyay xilliga uu ku soo dhisayo Golaha Wasiirada.