Trump oo saadaaliyey tirada Mareykanka uga dhiman doonta fayraska Corona
Posted On May 4, 2020
0
151 Views
0 
Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa saadaaliyey in dad gaaraya 100,000 oo qof ay u dhiman doonaan cudurka safmarka ah ee Cornavirus gudaha dalka Mareykanka.
Mar uu Trump ka hadlayey arrintan ayaa wuxuu dafiray in maamulkiisa ay ka gaabsadeen la tacaalidda fayraskan.
Dad ka badan 67,000 oo qof ayaa Mareykanka ugu geeriyooday Cudurka Covid 19.
Balse Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay jirto rajada helidda talaalka cudurkan, iyada oo ay khubarada caafimadka aaminsan yihiin in talaalka uu qaadan karo 12 ilaa 18 bilood.