Kooxaha Premier League-ga oo isku khilaafsan sida lagu dhameystiri karo kulumada harsan ee Horyaalka

Iyada oo la joojiyey tartanka Horyaalka Premier League-ga cudurka safmarka ah ee Coronavirus awgiis, ayaa haddana waxaa soo baxaya in xilligan dhow aysan suurtogal ahayn in garoomada lagu soo noqdo.
Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Ingiriiska, Greg Clarke, ayaa yiri: “Wey adag tahay in la arko taageerayaasha kubadda cagta oo garoomada lagu arko xilligan dhow”.
Hadii dib loo billaabo Horyaalka Premier League-ga, taasi micneheedu wuxuu noqonayaa in lagu dheello garoomo aysan joogin taageerayaal.
Horyaalka Ingiriiska sidoo kale wuxuu qorshaynayaa suurtogalnimada ah in tartanka soo socda ee 2020-2021, la ciyaaro iyadoo aysan jirin daawadayaal garoonka soo galaya.
Madaxa Xiriirka FA-ga ee kubadda cagta, Greg Clarke, ayaa warqad uu qoray ku sheegay: “Xaqiiq ahaan ma ogin sida xaalku noqon doono”.
Balse wuxuu intaasi ku daray: “kala fogaanshaha dadka ayaa wax ka bedeli doona daawashada sida kubadda cagtu ay ahaan doonto mustaqbalka”.
Waxaa kaloo laga fikirayaa in la dhimo miisaaniyadda ciyaaraha illaa $75 milyan oo gini sannadkan oo u dhiganta $93.31 Milyan oo doolar.
Waxaa jira in kooxaha waa weyn ee Horyaalka Premier League-ga loo sheegay in la damacsan yahay in la isticmaalo 10 garoon oo dhexdhexaad ah si loo dhameystiro kulumada dhiman ee horyaalka.
Kooxaha laga yaabo in ay u dhacaan horyaalka labaad ayaa arrinkan ka horyimid.
Waxaa jira kooxo lix ilaa toddobo gaaraya oo iyagana diidan in lagu ciyaaro garoomo dhexdhexaad ah, kooxahaas ayaa sidoo kale isku khilaafsan sida loo soo afjari karo tartamada hadda hakadka ku jira ee Premier League-ga uu ka mid yahay.
Waxaa sidoo kaloo jira kooxaha qatarta ugu jira in ay dhaqale badan lumiyaan haddii ay horyaalka hoos uga dhacaan.
Go’aanka ku saabsan in lagu ciyaaro garoomada dhexdhexaadka ah waxay sidoo kaloo yareyneysaa isu-imaatinka dadka badan ee ciyaaraha usoo daawasho tegi jirtay.
Kooxaha Horyaalka Premier League-ga ayaa ka xaajoon doona arrimahan oo kale kadib marka ay dowladdu dib u eegto amarrada bandowga 7-da bishan May.