Dowladda Somaaliya oo sheegay in dileen Saraakiil katirsan Al-shabaab.

Ciidamada Kumandoska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay iney weerareen degaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka qaadayeen uu degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerarka qaadeen markii ay xogtaas heleen.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandoska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta qaran u sheegay in ciidanka ay cagta mariyeen goobtii uu shirku uga socday Maleeshiyada Al-shabaab ayna gaarsiiyeen khasaare culus.
G/lle Maalin ayaa xusay iney dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu kasoo jeedo dalka Maali, laguna magacaabo (Abuu Ayman).
Marka laga soo tago hadalka Taliyaha,majiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.