Dowladda Suudaan oo war kasoo saartey biyo xireenka Itoobiya kawado Wabiga Nile.

Suudaan ayaa sheegtay iney aqbaleyn fikirka ay Itoobiya soo jeedisay ee ku saabsan qaabka loo buuxinayo biyaha biyo xireenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile.
Ra’isal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok ayaa sheegay iney dowladdiisu aqbaleyn fikirka Itoobiya ka soo yeedhay.
Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalladi u dhaxeeyey ee xalka looga raadinayey muranka biya xireenka ka dhashay ayaa istaagay.
Hasayeeshee, Masar ayaa toddobaadkan cabashadeeda ku aaddan Wabiga Nile ee Itoobiya kala dhaxeeyo u gudbisay qaramada midoobay.
Ra’isal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok diidmada fikirka Itoobiya wuxuuu sababeeyey biyo-xireenka Itoobiya uu dhismahiisa gabagabada marayo iney jiraan qodobbo dhinaca farsamada oo aan weli heshiis laga gaarin.