Muuse Biixi “khilaaf kasta Somalia iyo Somaliland waa in lagu dhameeyo wada hadal si looga fogaado colaad hor leh”

Maamulka Somaliland ayaa manta u dabaal dagay 18 may oo ah xiligi la aas aasay maamulka somaliland ee waqooyiga somaaliya.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo jeediyay khubad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horayn ka sheekyay Tariikhdii aasaska maamulka somaliland waxa uuna hambalyo ku aadan 18 may u direy dhamaan shacabwaynaha somaliland.
Muuse Biixi ayaa ka hadlay cudurka covid19 oo haatan ku faafaya somaliland waxa una sheegay in dowladu ay wado dadaalo xoogan oo ay kaga hortagayso faafida fayraska corona Virus.
Sido kale Madaxwayne Muuse Biixi ayaa sheegay in dowlada somaaliya ay cadow ku tahay gooni isutaaga maamulka somaliland, waxa uuna sheegay in madax baaninda Somaliland in ay muqadis tahay.
Ugu danbayn muuse Biixi ayaa sheegay in wada hadalada somaaliya iyo somaliland lagu dhameeyeo wada hadal si looga dheeraado colaado hor leh.