Somaliland: Tirada dadka u dhimanaya Covid19 oo korartey.

Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo qofkii 9aad oo Cudurkaas ugu dhintay Soomaaliland tan iyo markii Cudurka laga helay.
Guddiga wacyigelinta iyo ka hortagga COVID-19 u qaabilsan Soomaaliland ayaa sheegay in la baaray 40 Ruux oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 18 Qof oo kamid ahaa dadkaas.
Dadka Cudurka laga haley ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay joogaan 15 kamid ah Magaalada Hargeysa,halka Saddexda kale ay kala joogaan Magaalooyinka,Boorama iyo Odaweyne,waxaana dadka Cudurka laga helay ku jira hal qof u dhashay dalka Bangaladesh.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in qof qabay Cudurka uu ugu dhintay Magaalada Hargeysa kaas oo noqonaya qofkii Sagaalaad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.
Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay gaartay 121 qof 9 qof ay u dhinteen halka ay ka bogsadeen 8 Ruux.