Koonfur Galbeed iyo Puntland oo Heshiis wada gaarey.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah isaga iyo wafdigiisa taas oo loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xaflada soodhawaynta ayaa sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ay wada gareen heshiis waxa uuna maadxwayne deni sheegay in ay ku heshiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.
SC Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.