Maraykanka oo ka hadlay Wadashaqaynta Dowlada dhexe Somaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

War qoraal ah oo kasoo baxey wasaarada arimaha dibada ee maraykan ayaa lagu sheegay in ay dowlada maraykanka soodhawaynayso sida wadajirka ah ee ay uwada shaqaynayaan dowlada dhexe ee somaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Wasaaradda arrimaha dibadu waxay tilmaamtay inay dhiiri gelinayso wada shaqeynta dowladda federaalka iyo shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah, kuwaas oo leh awood iyo saameyn aad u fara badan oo ka baxsan caasimadda.
Dowladda Maraykanka waxay ku boorrisay masuuliyiinta Soomaaliya inay qaadaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab si loo helo nabad waarta, xasillooni iyo horumarka Soomaaliya.
Dowladda dhexe, dawladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe iyo gobolka banaadir ayaa heshiis rasmi ah ka gaarey hanaanka doorashada dalka ee 2020/2021 kaas oo ay manta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen laba aqal barlamaanada somaaliya.