Akhriso: Warark ugu danbeeyay Dagaalka udhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia oo galay Maalinki Sadexaad.

Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa sheegtay in midba mid kale uu khasaare xooggan gaarsiiyey, ayada oo maalinkii saddexaad uu galay dagaalka u dhaxeeya ee ka socda gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.
Baaqyo ka yimid hogaamiyeyaasha caalamka oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka qarxay Axaddii ayaanay cidna dhageysan.
Golaha Ammaanka QM ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan deg deg ah ka yeesho dagaalka, oo ay illaa iyo hadda ku dhinteen 100 qof.
Saraakiisha gaashaandhigga Yerevan ayaa sheegay in gooni u goosatada Karabakh ay iska caabiyeen weerar kaga yimid Azerbaijan, “ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen cadowga.”
Waxay intaas ku dareen in tan iyo markii uu dagaalka billowday, uu militariga Azerbaijan gaaray khasaare ah 50 diyaarado drone ah iyo afar helicopter oo lasoo riday, iyo 80 tanki oo la burburiyey.
Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogan ayaa Armeniya ugu baaqay iney joojiso qabsashada dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh si ay labada dal xal waara u gaaraan.